Duqeyn lala beegsaday Daacish-ta Soomaaliya[Dhagayso]

November 3, 2017 - Written by Editor

Qandala:-Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn, loo maleynayo in lala beegsaday madaxda kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay. Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Weli ma cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa Duqeyntan wax ka weydiiyay, Gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Quurshe.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Quurshe waraysi siiyey VOA

VOA

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online