Golaha Shacabka: Dhiibistii Qalbi Dhagax Sharcidarro ayay Ahayd.

November 18, 2017 - Written by Editor

Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inay sharcidarro ahayd in dowladda Somalia ay Ethiopia u dhiibto Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka tirsanaa saraakiisha ururka ONLF.

Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa ka dooday kadibna ansixiyay baaritaanka uu soo gudbiyay guddiga loo qadiyadda Qalbi Dhagax, oo baarlamaanka horgeeyey warbixin dheer oo ku saabsan baaritaankooda. Guddiga ayaa sheegay in hab aan sharci ahayn loo maray gudbintii Qalbi Dhagax, isla markaana aan laga tixgelin hay’addaha garsoorka.

Guddigu wuxuu sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugiddu ay kaligeed maareysay gudbintii Qalbi-Dhagax, iyadoo hay’addu aanay madaxda sare siin xog rasmi ah.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ururka ONLF aanu ahayn urur argagixiso maadaama aanu ku jirin liiska argagixisada caalamka.

Go’aanka guddiga baarlamaanka ayaa waji gabax ku noqonaya xukuumadda Kheyre oo bishii August Qalbi Dhagax u gacan galisay dowladda Ethiopia, iyadoo ku eedeysay inuu xiriir la lahaa ururka al-Shabaab sidoo kale uu halis ku ahaa amniga Soomaaliya.

Go’aanka Golaha shacabka ee baarlamaanka Somalia ayaan la oggeyn wuxuu ka baddali karo kiiska Qalbi-Dhagax oo haatan u xiran dowladda Ethiopia.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online