Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

November 7, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose uu ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi la socda. Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Kismaayo Madaxweyne ku xigeen Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ,Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka  Maxamed Sh.Cusmaan ayaa uga mahad celiyey shacabka reer Kismaayo iyo Madaxda maamulka Jubbaland isaoo sheegay inta uu jooga magaalada Kismaayo in uu kulamo kale duwan la yeelan doona Madaxda Jubbaland , bulshada rayidka wax badan ay ka wada hadli doonan si loo xoojiyey wadashaqaynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo golaha baarlamanka ee Jubbaland.

Dhinac kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa mahad u jeediyey wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isaga oo uga mahad geliyey socdaalka ay ku yimaden Kismaayo si loo adkeeyo wada shaqaynta labada dhinac.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online