Gudoomiyaha cusub ee Mu,asasada Safa Cabdicasiis Cali Xasan oo si rasmi ah xilka ula Wareega.[Masawiro]

November 14, 2017 - Written by Editor

Waxaa 10kii Bishan Nofeember Maalintii Jimcada Ahayd Lagu Qabtay Hoteel Furaat Muqdisho Xaflad Si weyn Loo Soo Agaasimay, Xafladaa Oo Xilkii Gudoomiyaha Fulinta Mu,asasada Safaa Uu Kula Wareegaayay Ustaad Cabdicasiis Cali Xasan Waxaana Uu Xilka Kala Wareegay Sheekh Muxamed Muuse Oo Ahaa Gudoomiyihii Fulinta Ee Mu,asasada Sedexdii Sano ee Ugu danbaysay, Ayadoo Ustaad Cabdicasiis Xilkaa Loo Doortay Bishii Hore Ee Oktoobar.

Mu,asasada Safaa Oo Ka Shaqeesa Inta Badan Koofurta Soomaaliya Xarunteeda Waa Muqdisho Waxaana La Aasaasay 2012kii Waxayna Ka Shaqeesaa Dacwada Tacliimta Iyo Arimaha Horumarinta Oo Samafalkana Ka Mid yahay.

Xafladda Oo Aad U Heer Saraysay Ayaa Waxaa Ka Soo Qaybgalay Qaar Ka Mid Ah Hogaamiyayaasha Jamaacaadka Islaamiga Ee Soomaaliya, Culimaa u diin, Aqoonyahan, Ganacsato, Dhalinyaro, Iyo Dad kale Oo Muhim Ah.

Xafladda Oo Ay Ka Horaysay Qada Sharaf Lagu Maamuusay Kasoo Qaybgalayaasha Xil wareejinta Ayaa Loo Dareeray Hoolkii Xafladda Ka Dib Qadadii, Qur,aan Aqrintii Lagu Furay Xafladda Ka Dib Waxaa Martida Soo Dhaweeyay Sheekh Maxamuud Abuu Shaybah Oo Ah Gudoomiyaha Aasaasayaasha Mu,asasada Safaa, Sheekh Maxamuud Ayaa U Mahadnaqay Ka Soo Qaybgalayaasha Xafladda Si Koobanna u Tacriifiyay Mu,asasada Safaa Iyo Hawlaheeda Sheegayna Barnaamijka Loo Fadhiya Maanta Ee Ah Xil Wareejinta Iyo La Wareegidda Gudoomiyaha fulinta Ee Mu,asasada.

Waxaa Kalimadii Culimada Ku Hadlay Sheekh Muxamed Yaasiin Cabdiwaaxid Oo ka mid ah Culimada Waawayn Ee Muqdisho Iyo Soomaaliyaba, Intaa Ka Dib Waxaa Kalimadii La Siiyay Sheekh Muxamed Muuse Gudoomiyihii Mu,asasada Safaa Ee Hada Xilka Wareejinaayay Waxaana Uu Xusay Sheekha Waxqabadkii Mudadii Uu Xilka haayay Iyo Guulihii Mu,asasada Ay Gaartay Waxaana Uu u rajeeyay Guul Iyo waxqabad In uu Ku Hogaamiyo Mu,asasada Gudoomiyaheeda Cusub.

Intaa Ka Gadaal Waxa kalimadii Qaatay Ustaad Cabdicaaiis Cali Xasan Gudoomiyaha Cusub Ee Safaa Asagoo U Mahadnaqay Dhamaan Ka Soo qaybgalayaasha Xafladda Sidoo kale Waxaa uu Mahadnaqiisa si Gaar ah U Gaarsiiyay Maamulka Uu Xilka Hadda Kala Wareegaayay Iyo Mamulkii Ka Horeeyay Ee Mu,asasada Iyo Aasasayaashii Sida Wanaagsan Hoosha U Soo Gaarsiiyay Meel Fiican Iyo Dhamaan Xubnaha Safaa.

Waxaana Uu Sheegay Gudoomiyaha Cusub Ee Safaa In Uu Wax Badan Oo Horumar Uu Ku soo Kordhin doono Mu,asasada Howlaha Ay U Xilsaarantahay Ee Dacwada Iyo Tacliimta Iyo Horumarintana Hadii Allah Yiraahdo, Qayb lixaad lehna Ay ka qaadan doonto Mu,asasada Acmaashaa Muhimka ah Ee Socda, Waxaana uu ka Codsaday Xubnaha Mu,asasada Safaa Oo Xafaldda Si wayn Uga soo Qaybgalay In ay La Shaqeeyaan Si Ay Uga mira dhaliyaan Himilooyinkii Loo Aasaasay Mu,asasada.

Waxaa Xafladda Ka Hadlay Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Adam, Sheekh Yuusuf Tuurxume, Sheekh Cabdiqaadir Soomoow, Sh. Maxamed Saruur Dhamaan Culimadaa Oo Ahaa Wakiiladii Xarakaatka Islaamiga Ah Ee Soomaaliya Uga Qaybgalay xafladda ayaa dhamaantood Soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Cusub Waxayna Ku Baaqeen Tacaawun Iyo Wadashqayn Si Dowrka Culimada Iyo Ducaadda U Guulaysto.

Waxaa Kaloo Kalimaad La Siiyay Wakiilo ka Socday Maraakista Dibadda Ee Dacwada Sida Koofur Afrika (Albayaan) Oo uu ka Socday Sh. Maxamuud Adar, Sheekh Ismaaciil Saciid Oo Ka Socday Maraakista Yurub Iyo Sheekh Aadam Sheekh Cabdile Oo Ka Mid Ah Midowga Imaamyada Mareekanka Ahna Imaamka Masjid Ibnu Taymiyah Ohio USA.

Waxaa Kaloo Goob Joog Ahaa Culimo Ka Socotay Mu,asasada Alminhaaj Ee Ka Dhisan Gobolada Buntlaan Waxaana U hadlay Sheekh Maxamed Cabdullahi Oo Ah Gudoomiyaha Fulinta Mu,asasada Iyo Sheekh Maxamuud Xaaji Yusuf oo Ah Sheekha Garowe iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Ee Garowe.

Waxaa Kaloo Kalimad La Siiyay Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi Oo Ah gudoomiyaha Jimciyadda Manhal Iyo Odayaasha Jamaacada Ictisaam Oo Mu,asasada Safaa Ay Hoos tagto.

Dhamaan Ragaa Hadlay Waxay Booriyeen Gudoomiyaha Cusub Wayna u duceeyeen Ayagoo Mu,asasada Safaa U rajeeyay guul iyo horumar.

Waxaa Soo Xiray Shirka Gudoomiyaha Fulinta Jamaacada Ictisaam Bil Kitaab Wasunah Diktoor Haaruun Sheekh Xuseen Oo U dardaarmay Gudoomiyaha Cusub Allah tala Saarasho Iyo Waxqabad Asagoo Gudoomiyaha u Mahadnaqay Maamulkii Hore Iyo Dhamaan Reer Safaa Waxaa Uu Ku Booriyay In Howl Culus Hortaalo Ayna Laba Jibaaraan Waxqabadkooda Si Loogu Guulaysto Ahdaaftii Loo Aasaasay Mu,asasada.

Mu,asasada Safa
Muqdisho
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online