Hawlaha Gudiga Gurmadka Safa ee dhibkii Zoobe oo ka socda Muqdisho.[Masawiro]

November 13, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa wali ka socda Gurmadka loogu gurmanayo Agoonta & Hooyooyinka ehelkooda ku waayey mudiibadii is goyska Soobe oo dad & hanti badan ku baaba’dey. Mu’asasada Safa ee Dacwada & Hormarinta oo kaashaneysa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Tanzania & Sweden waxaa maantana deeqo lacageed la gaarsiiyey Agoon & Qoysas ehelkooda ku waayey Musiibadii dhacdey.

39 Agoon oo abaayaashood ku waayey musiibadii dhacdey ayaa la gudoonsiiyey deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada Soomaaliyeed ee Tanzania. Agoon walba waxaa la siiyey lacag dhacan $300 oo loogu tala galey iney kaabid ugu noqoto nolosha & Waxbarashada.

Sidoo kale lacag gudiga gurmadka ee Safa kasoo gaadhey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Jonkoping ee Sweden ayaa la gaarsiiyey 30 Qoys oo iyana ehelkooda ku waayey musiibadii Soobe, waxaana qoys walba la siiyey lacag $200 ah.

Kulanka lacagaha lagu gudoonsiiyey Agoonta & Hooyooyinka waxaa goob joog ka ahaa kelmadana ka jeediye:-

– Dr. Sh. Harun Sh Hussein

– Sh. Maxamuud Sh Axmed, Abu Sheyba, Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Safa

– Sh. C/Casiis Cali Xasan, Gudoomiyaha Mu’asasada Safa.

Gurmadka lacageed ee loo fidiyey Agoonta & Qoysaska ayaa kaabid bilow ah u noqonaya nolasha Qoysaska & Waxbarashada Agoonta.
Muqdisho 23 Safar 1439
13 November 2017
وبالله التوفيق
Gudiga Gurmadka Mu’asasada
Safa ee Dacwada iyo Horumarinta .

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online