Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland oo Munaasabad Sagootin Ah U Sameeyey Ku-xigeenka Madaxa UNDP Soomaaliya.[Masawiro]

November 6, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa caawa oo ay taariikhdu Tahay 05 Nov 2017 waxa uu Xaflad Sagootin ah ugu sameeyey qasmiga Madaxtooyada Garoowe Ku-xigeenkii madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. David Akobayan

Munaasibaddan casho sharafta ah ayaa ujeedkeedu Waxaa uu ahaa Sagootin uu Madaxweye Kuxigeenku u sameeyey Mr.David Akobayan oo muddo xiliyeedkii shaqadiisu soo gebogebawdey, islamarkaana loobedelay dalka Suuriya halkaasi oo noqondoonta fadhigiisa cusub.

Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa waxaa kuwehelinayay Munaasabadda Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladada Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa sagootinta Mr. David Madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNDP ee fadhigeedu yahay Magaala Madaxda dawladda Puntalnd ee Garoowe.

Dhinaca kale Madaxwayne Ku-xigeenka oo munaasibaddaasi casha sharafta ah hadalo kooban kajeediyay ayaa sheegay in Mr. David uu wax badan kaqabtay hawlaha xafiiska UNDP muddadii uu ka ahaa Ku-xigeenka madaxa Xafiiska Soomaaliya, waxaana uu Madaxwayne Ku-xigeenku uga mahadnaqay Mr. David shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay mudadii uu kashaqaynayay Puntland.

Sidoo kale Madaxwayne Camey ayaa ku amaanay Mr. David in uu yahay shaqsi ku suntan shaqo Wanaag daacadnimo karti iyo aqoon, isla markaana uu masuuliyad gaar ah iska saaray sidii uu u dardargelin lahaa una meel marinlahaa hawlihiisa shaqo ee ku aadanaa Fulinta Mashaariicda horumarineed ee hay’adda UNDP ka fulinayso Dawladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ku-xigeenka Madaxa hay’adda UNDP Somaliaya Mr. David ayaa kamahad celiyay Wada shaqayntii Wanaagsanayd ee uu lalahaa hay’addaha Dawladda Puntland iyo Madaxdoodaba, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ka dhexeysay Wada-shaqayn wanaagsan iyo hufnaan

Ugu danbayn, Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa kuxigeenka maxadii hore ee xafiiska UNDP Soomaaliya Mr. David gudoonsiiyay hadiyado isugu jira Shahaado Sharaf iyo sidoo kale abaal marin ahayd hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online