Madaxweynaha Dawlada Puntland oo la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya

November 24, 2017 - Written by Editor

Addis:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethio oo uu kulamo gaar gaar ah la lahaa, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu.
Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta Xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland iyo arrimo la xidhiidha furitaanka Custom ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland leeyihiin xidhiidh tariikhiya kaas oo ku qotoma arrimaha Ganacsiga, Amaanka iyo siyaasadda, isla markaana ku salaysan iskaashi, wax wada qabsi iyo siyasad togan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland diyaar u tahay wanaajinta xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia ee soo jireenka ah, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin inlaga wada shaqeeyo wax kasta oo horumarin kara xidhiidhka labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay adkaynta xidhiidhka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, isagoona xusay xidhiidhkaasi in uu yahay mid ku salaysan kalsooni iyo saaxiibtinimo, waxaana uu xaqiijiyey in dalka Ethiopia ku jiro abaabulka wefti ay usoo dirayaan furitaanka Custome ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa soo afmeeri doona shafarkooda shaqo ee ay ku joogeen muddo 5 Cisho ah magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha iyo weftigisa ayaa guul ka gadhay safarkooda shaqo ee ay ku tageen dalka Ethiopia.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA , HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online