Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli oo Garoowe Dib Ugu Soo Laabtay (Masawiro)

November 8, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminyo ayaa maanta 08 Nov 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka gadaal muddo laba todobaad ah oo ay Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashi ee DFS iyo dawladdaha Xubnaha ka ah.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabullaahi Cumar Camey, Guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in isaga iyo weftigisu Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashiga qaran ee muddada halkaasi kocdey, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in qodobadii is afgarad ee kasoo baxay shirkii Muqdisho ay ahaayeen qodobo u hiilinayey fadaraaliisamka, dawladdnimada, dastuurka Soomaaliya iyo wixii kale ee lagu heshiiyey.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in heshiiskaasi keenay isu soo dhowaansho iyo is afgarad dawladda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah dhexmaray, waxaana uu timaamay Madaxweynuhu in heshiiskaasi uu hormuud u ahaa shirkii Kismaayo ee lagu aas aasay golaha iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa xusay in hebeenimadii xalay 07 Nov 2017 isaga iyo guddiga gurmadka Puntland ee masiibadii qaraxii Soobe ku wareejiyeen Madaxda DFS iyo guddigii gurmadka qaran ee DFS deeqdii shacabka Puntland ugu tala galeen walaalahooda ku wax-yeeloobey masiibadaasi, deeqdaasi ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun $491, 107 Dollar.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay tacadi dhowaan loogu gasytey magaalada Boosaaso gabadh da’yar, taas oo Wasaaradda Haweenka  iyo Arrimaha Qoyska Puntland si deg dega ula tacaashey xaaladdeeda caafimad, iyadoona wakhti xaadirkan lagula tacaalayo cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha ayaa sheegay in shakhsigii ka danbeeyey falkaasi sharciga la horgeydoono sida ugu dhakhsiyaha badan, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu maamulka Jubbaland uga mahadnaqay qabashada denbiilihii gaystey falkaasi.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kahadlay mashruuca dhismaha dekedda magaalada Boosaaso ayaa sheegay in mashruucaasi horumar iyo wanaag u yahay shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, waxaana uu fariin adag u diray Madaxweynuhu shakhsiyaadka carqaladaynaya habsami u socodka dhismaha dekedda magaalada Boosaaso, isagoona sheegay inay yihiin shakhsiyaad dana gaarale oo aan ka talinayn danta guud ee shacabka ka dhexaysa, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dawladdu diyaar u tahay inay kala hadasho kalana fadhiisato ganacsatada iyo dadka wax ku ool ka ah ee arrinkaasi ka qaba fikir.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online