Madaxweynaha JFS oo la kumay Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda

November 14, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga guddigii dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadateen gurmadkii dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii 14 Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.

sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo inay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto argagixisada, maadaama kooxdaasi ay ka been sheegeyso diinta Islaamka.

Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxaana ay sidoo kale la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Kheyre, iyaggoo Guddiga gurmad qaran ku warreejiyey $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

—Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online