Madaxweynaha Puntland oo kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada 2-da Aqal ee DFS.[Masawiro]

November 3, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 02 Nov 2017 kulan casho sharaf ah kula qaatay magaalada Muqdisho xildhibaanada labada aqal ee Baarlaman DFS u metelaya Puntland.

Kulanka casho sharafta ah oo ka qabsoomay Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Casho sharaf kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin.

1. Isxog waraysi.

2. Isku xidhka iyo wada shaqaynta dawladda Puntland iyo DFS.

3. Qaybsiga khayraadka dalka.

4. Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka.

5. Ka wada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya.

Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay ay Madaxweynaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo dawladdaha xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada.

shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda dawladda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland.

Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online