Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Yeeshay Qaar kamid Ah Wasiirada dalka Ethiopia

November 22, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed iyo weftigii uu hogaaminayey ee hawlaha shaqo u joogey dalka Ethiopia ayaa maanta gelinkii danbe 22 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa qaar kamid ah Wasiirada Wasaaraddaha dalka Ethiopia, kuwaas oo kala ahaa Wasiirka Ganacsiga Mr. Bekele Bulado,Wasiirka Customka iyo Xuduudaha iyo Wasiirka Canshuuraha iyo Ganacsiga Mr. Molges Balga G/Medhin.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dalka Ethiopia ay wada qaateen ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha furitaanka Custom-ka xuduudda Puntland iyo Ethiopia ee Tuur-dibi, kaas oo dhowaan la dhamaystiray dhismihiisa, Custom-kaas oo ka kooban xafiisyada Laamaha Socdaalka, xafiisyada Boolis ka ,iyo xadiisyada cashuuraadka.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in dawladda Puntland diyaar u tahay furitaanka custom ka Tuur-dibi iyo dardargelinta shaqadiisaba, kaas oo laga hirgeliyey xuduudda u dhexaysa Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in Customku halbeeg u noqon doono wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac taas oo ku salaysan ganacsiga, amaan iyo siyaasadda xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan xuduudaha Puntland laleedahay Ethiopia.

Dhinaca kale Wasiirada dalka Ethiopia ee uu Madaxweynuhu layeeshay kulanka ayaa waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin dhankooda inay fuliyaan soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen taas oo ku aadan furitaanka Customka tuurdibi maadaama la dhamaystiray, Wasiirada ayaa cadeeyey in dhowaan u soo diridoonaan wefti furitaanka custom kaasi, Waftigaasi oo ka socda dhammaan laamaha ku shaqada leh dardargelinta hawlaha shaqo ee custom-ka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalkaasi Ethiopia ayaa waxaa weli u socda kulamo ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dalkaasi Ethiopia.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online