Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka (Masawiro)

November 2, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo qodobaddii looga hadlay ay kamid ahaayeen Qorshaha Difaaca Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka Argagixisada ah ee Alshabaab iyo arrimo kale.

kulanka uu shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa goob joog ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, R/wasaare ku xiggeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee Golaha Amaanka Qaranka ee Madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan Nabad diidka Alshabaab.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka Golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka oo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale waxuu sheegay wasiirka in lagu ansixiyey shirkaasi Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

—Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online