Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shirka 5aad ee Madasha Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.[Masawiro]

November 30, 2017 - Written by Editor

Abidjan :-Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shirka 5aad ee Madasha Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub Abidjan, 29, Nofeembar, 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galaya magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga waddamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Mudane Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.

-DHAMMAAD-
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.s

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online