Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo furay Shirka dib u eegista sharciga Shaqaalaha Rayidka (Masawiro)

November 29, 2017 - Written by Editor

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulahi Xaaji Cumar Camey ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee L11 oo ay soo diyaarisay wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Waxaa shirkan daah-furkiisa soo qaban qaabiyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Wasiirada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo ka wada-tashan doono sharciga shaqaalaha rayidka ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha DF Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkaasi ayaa waxaa siweyn diirada loo saari doonaa dib u eegista sharciga shaqaalaha rayidka,iyadoo lafilayo in ugu dambeyntii laga soo saaro qodobo wax ku ool ah.

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa maalinimadii shalay aheyd gaaray caasimadda Puntland ee Garowe waxaana ay soo dhaweyn kadib kormeereen dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Garowe kaasi oo lafilayo in dhawaan xarigga laga jaro.

SONNA
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online