Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Dib-U-Eegista Dastuurka.[Masawiro]

November 19, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxa banaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh.

“Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada.

—–DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online