Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya oo tegaya Baydhabo

November 16, 2017 - Written by Editor

Baydhabo:-Shirka golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay kulankoodii Khamiis lah ahaa ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo ahdda xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed. Shirka golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta looga hadli donaa arrimo ku saabsan amniga gaar ahaan dagaalka Al-shabaab iyo sidda loo xoojin lahaa amniga iyo nabad gelyada dalka Soomaaliya.

Shirka golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horay loogu soo qabtay magaalada Kismaayo waxaan uu Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Kheyr uu balan qaaday in kulamada golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qaban doono Gobolada dalka Soomaaliya.

Amniga guud ee Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay ayaa aad loo adkeeyey waxaan saacadaha soo socda gaari doono Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo golaha xukuumada Federaalka waxan laga soo saari doona gebagabada shirka warsaxaafeed ku aadan arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online