Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

November 22, 2017 - Written by Editor

Baydhabo:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tegay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay,waxaana Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdigiisa ayaa ah in ay ogaadaan xaalda guud ee deegaanada hoos taga maamulka Konfur Galbeed iyo in ay kulamo gooni gooni ah ay la qaataan masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada rayidka ah.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre markii ay gaareen magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay salaan sharaf ka qateen saraakiil ka tirsan cidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

230,666 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>