Shirkii Golaha Shuurada ee Musasada EMA oo lagu soo afmeeray magaalada Malmö.(Masawiro)

November 27, 2017 - Written by Editor

Malmö :-Waxaa magaalada Malmö ee dalka Sweden ka furmay 25-11-2017 Shirkii golaha Shuurada ee Mu’asasada European Muslim Association (EMA)waxaana uu shirka lagu qabtay Hotel Good Morning waxaana shirka soo qaban qaabiyey Musasada EMA ee dalka Denmarka waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubna Golaha Shuurada Mu’asasada EMA.

Kulanka Mu’asasada EMA ayaa ah mid sanadkiiba mar ay isigu yimaadaan xubnaha Golaha Shuurada iyo Tanfiidka si loo hormariyo Mu’asasada EMA waxaana xubnaha iyo maraakista ku mideysan Mu’asasada EMA ay hurmuud u yihiin Maraakista wadamada Nordic.

Ugu horeyntii ayaa waxaa kalimada wacdi iyo dhiiro galin ah ka jeediyey Sheekh Dr Haaruun Sheekh Xuseen waxana uu ku dhiiro galiyey hogaanka Mu’asasada European Muslim Association (EMA) howsha ay qabteen isaga oo alle uga baryey in ay guuleystaan.

Dhanka kale waxaa kalimad qiimo badan ka jeediyey Shirka Golaha Shuurada ee Mu’asasada European Muslim Association (EMA) ee sanadkaan lagu qabtay magaalada Malmö Sheekh Maxamed Idirs Axmed xafidahulaah isaga oo ku waaniyey xubnaha Mu’asasada EMA in ay ku dadaalaan midnimada ,walaaltinimada iyo horumarinta iyo taabo galinta Mu’asasada EMA isaga oo ku bogaadiyey in Mu’asasada EMA ay ka faa,deystaan sida hay,daha dalalka ay joogaan ay u shaqeeyaan si loo hormariyo Mu’asasada European Muslim Association (EMA).

Intaas ka dib ayaa xubnaha Mu’asasada EMA ee shirka uga furmay magaalada Malmo waxaa shirka u furay Sh Cabdiwahaab Salaad Hasan oo ah Gudoomiyaha golaha Fulinta Mu’asasada EMA ee Denmark oo Shirka guud ahaan isku soo dubariday soo dhaweyn ka dibna waxaa shirka ku soo bandhigay waxqabadka Musasada EMA ee sanadkii 2017 gudoomiyaha golaha fulinta guud ee Musasada EMA Sh Mukhtaar C/laahi Carab .

Xubnaha ka soo qeyb galay shirka golaha Shuurad Mu’asasada European Muslim Association (EMA) ayaa intaa ka dib guda galay ajandahii shirka waxaana kalimad kooban oo aad u qiimo badan ka jeediyey Sh C/raxmaan abyad wuxuuna Sheekhu aad xooga u saaray camalka Jamaaciga ah iyo in loo shaqeeyo qaab Musasaaati ah .

Xubnaha Mu’asasada European Muslim Association (EMA) ayaa waxay ka kala yimadaadeen wadamada Finland ,Norway ,Denmark iyo Sweden  waxaana ay ka doodeen Aajandihii shirka Mu’asasada (EMA) iyada oo aad looga dooday caqabadihii iyo waxyaabihii aan u hirgalin in ay sanadkii 2017 qabato Mu’asasada (EMA) .

Ugu danbeyntii Maalintii axada ee 26-11-2017 ayaa waxaa la gudaha galay howlsanadeedka 2018 ay qaban doonto Mu’asasada European Muslim Association (EMA) waxaana sidoo kale la ansaxiyey miisaaniyada Mu’asasada  (EMA) ee 2018.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa la galay doorashada hogaanka cusub ee Mu’asasada European Muslim Association (EMA) gaar haan Gudoomiyaha fulinta iyo Gudoomiyaha Shuurada ee Mu’asasada European Muslim Association (EMA) doorasho ka dib waxaa loo doortay  Gudoomiyaha Golaha Fulunta Mu’asasada European Muslim Association (EMA) Sh Mukhtaar C/laahi Carab halka Bile Hassan Osman Abu Saciida loo doortay Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Mu’asasada (EMA)

Culumada shirka ka soo qeyb gashay qeyb weyna ka qaatay horumarka Mu’asasada European Muslim Association (EMA) waxay kala yihiin

1- Sheekh Dr Abdinuur Sheekh Maxamed
2-Sheekh Maxamed Shaafici
3-Sheekh C/raxmaan Abyad.

 Waxaa markii la soo gunaanaday Shirka Shahaado Sharaf ay gudoomsiisay Mu’asasada European Muslim Association (EMA) culumadii shirka nagala soo qeyb gashay .Sidoo kale Culumada kala ah Sheekh Dr Abdinuur Sh Maxamed iyo Sheekh Maxamed Shaafici yaa sidoo kale Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey xubnihii ugu firfircoonaa Mu’asasada (EMA) sanadkii  2017 kii.

Mu’asasada European Muslim Association (EMA)
Malmö
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online