Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota (Masawiro+Video)

November 13, 2017 - Written by Editor

Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxweyne ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa billaabatay.

Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka go’day ,sanadkii 1991, ayaa fileyso in doorashadan ay xoojiso ololaha ay ku doonayaan in lagu aqoonsado in ay dal madaxbannaan yihiin.

Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xiray 6-dii maqribnimo. Dadka qaar waxay safafka galeen saacado ka hor intaysan furmin.

In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddax musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Halkan ka daawo: Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamud Silaanyo iyo seddaxda musharrax ee xilka madaxweyne ee #Somaliland oo coddeeyay.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Shan arrimood oo ku saabsan doorashada Somaliland
Maxaa ka dhigay doorashada Somaliland mid taariikhi ah?
Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Somaliland

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku taqasusay dhaqaalaha ayaa go’aansaday in uu xilka banneeyo ka dib markii hal xilli uu hayay.

Guddiga doorashada ee Somaliland ee NEC ayaa sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Somaliland oo yeelan doonto madaxweynihii shanaad ayaa shantii sanaba mar qabato doorasho madaxtinimo.

Markii tirinta codadka ay billaabatay, waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, WhatsApp, iyo Twitter.

Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee Hargaysa ayaa weli buuxda halkaas oo dad badan ay safaf ugu jiraan in ay codeeyaan.

Somaliland oo sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya, waxay fileysaa in doorashadan madaxtinimo ay xoojiso dadaalkooda caalamka ee ay ku doonayaan in ay ku helaan aqoonsi.

Guddiga doorashada oo arrintaasi ku amray shirkadaha isgaarsiinta wuxuu sheegay in ay ka hortagayaan “wararka beenta ah”.

Balse hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareysay tallaabadaas, waxayna sheegtay “war helidda in ay muhiim u tahay doorasho xor iyo xalaal ah”.

BBC Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online