Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland oo gaaray Degmada Badhan.[Masawiro]

November 12, 2017 - Written by Editor

Badhan:-Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa maanta 12 Nov 2017 gaaray Magaalada Badhan, halkasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayey Wasiiru dowlayaasha Xanaanada xoolaha, Dekeddaha, wasiir Ku-xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada Badhan Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka degmadda Badhan, Taliyaha ciidamada Asluubta Gobolka Sanaag Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga, Degaanka, nabadoono, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi.

Soo dhaweyn ka dib Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda uu la xiriiro sidii beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed loogu soo bandhigi lahaa in gobolada Sanaag iyo Hayland aysan ka jirin kana dhici doonin wax doorasho shabaha oo dhinaca Somaliland ka timaada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in faragalinta iyo xadgudubka maamulka Somaaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysaa ay tahay oo kaliya in la jaahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.

“meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo og, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga, sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhiga ahayd ee ay lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka Amniga,

“ Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa” ayuu yiri Wasiirku

Dhinaca kale Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa tilmaamay in siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho,

“Dawladda Puntland cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaamnimo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubtaa waajibkeedu waa gooni” ayuu yiri

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool goboladda Sanaag iyo Hayland inay ilaashadaan qaranimadooda, Amnigooda iyo sharaftooda, ayna ka hortagaan faragalinta iyo xadgudubka qaawan ee Maamulka Somaaliland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online