Wasiirka amniga ee JFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo (Masawiro)

November 13, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa caawa fiidkii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo Wafdiga la socday waxaa si haboon ugu soo dhaweeyey garoonka magalada Kismaayo Wasiirka Wasarada Amniga ee dawlada Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyo mas’uliyiin ka tirsan labada gole ee Dawlad Goboledka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu garoonka ku soo dhaweeyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducale Islow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiinta kale soo dhawayntiisa ka qeyb qaatay, waxaana uu tilmaamay in uu Kismaayo u yimid sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Socdaalka Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ku soo beegmaya xilli maanta uu ka furmay magaalada Kismaayo shir ay ka qayb galayaan Wasiirada Wasaaradaha Amniga ee dawlad Goboleedyada dalka, kaasi oo maal maha soo socda lasoo gbo gabayn doono.

Xigasho (SONNA)
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online