Wasiirka Amniga Puntland Iyo Wafti uu horkacayo oo Lagu Soo dhoweeyey Dhahar

November 13, 2017 - Written by Editor

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 13 Nov 2017 kormeer shaqo ku tegey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoween shacabka magaaladaasi.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha, Wasiir Ku-xigeenka Duulista Hawada iyo garoomada Puntland, Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland, taliyayaasha ciidamada Booliiska  iyo Daraawiishta ee gobolada Sagaag iyo Hayland. Waxaana banaanka magaaladda ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hayland, Duqa Degmada, Isimada iyo cuqaasha gobolka, ururada Haweenka iyo dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka degmadda Dhahar.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf [Dawlad]ayaa uga mahad naqay shacabka magaaladaasi soo dhoweynta wanaagsan ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu sheegay Wasiirku inay kormeer shaqo u joogeen maamumihii u dan beeyey gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana waxa uu xusay in aan aduunka lagu arag shacab sheegta shacab kale inay mamaulaan taasina ay tahay nasiib daro iyo aqoon la’aan haysa maamulka Soomaliland.

 “Dhaqan wanaagsan baynu lahaan jirney haddaynu nahay Soomaali, waynu wada degenaan jirney saynu ahayn, waxaa yimi in lays yiraahdo xoog halaysku muquuriyo taas oo lagu doonanayo risiq iyo dawladdnimo, doorashadu sharci bay leedahay qofku isagoo xora ayuu wax doortaa, nin xabad madaxa lagaga hayo ama laluush baalagu siinayaa laleeyahay ee halkaasi ku rid, taasi doorasho ma aha, shacabka gobolada Sanaag iyo Hayland waxay na tuseen oo cadeeyeen inay yihiin dad Soomaali ah, tanlabaadna ay yihiin dad Puntland ah oo aaminsan mid nimadooda iyo waxay aaminsan yihiin” ayuu yiri Wasiirku.

Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa dhankiisa farin adag u diray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoona sheegay in shacabka reer Puntland yihiin dad tariikhda baal dahaba kaga jira lahaana tariikh soo jireena oo ku qotonta geesinimo, kala danbayn maamul iyo mid qadiyaddeedba, waxaana uu xusay in Puntland weligeed maamul ahaan iyo awood ahaanba korjoogtayn jirtey gobolada awqooyi ee Soomaaliya.

“Shacabka Magaalada Dhahar waxaan dhammaantiin indiinka mahad naqayaa sida wanaagsan ee sharaftale ee kal kiyo laabtale ee aad usoo dhowayseen weftiga uu hogaminayo Wasiirkeena Amniga iyo DDR-ka oo anigana aan xubin ka ahay, waxaan soo marnay Xingalool dibadbaxyo ayay wadeen wax doorasho kusheeggii Soomaalilandna kama jirin dhammaan degaanadaasi hoosyimaadda Xingalool” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil

”Waxaan idiinku bishaaraynayaa kaadhadhkii uu Muuse Biixi ugu tala galay in codka lagu siiyo shacabka ayaa iyagoo xor ah keenay oo kusoo warejiyey weftiga dawladda Puntland, Muuse Biixi waxa uu yiri ‘ inaan ka adkaan jirey Puntland awoowayaashood ha waydiiyeen’ hal kelmed ayaan odhanayaa Muuse kaadhkii aad codka ku dooneysey waakan aniga gacantayda ayuu ku jiraa sidoo kale Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabeba” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil

“Laga bilaabo Hobyo, Xaafuun, Baargaal, illaa Boosaaso Boqor Cusmaan baa ka talin jirey isaga awoowgiis muu ahayne aniga awoowgay buu ahaa, laga bilaabo meesha ay ku qoran tahay ‘Bandar Siyaada’ ee Ceelaayo, illaa saylac waxay qoran tahay in Warsan-Geli Sanladdoodii ay ka talin jirtey oo uu ka talin jirey Maxamuud Cali Shire, isaguna Addeerkay buu ahaa, magaaladan Dhaharna waxaa ka talinaayey Dhahar oo ku caan baxday ‘Haddii Dhahar yiri Allaa yiri’ Muuse Biixi waxaan leeyahay  adiga iyo awoowayaashaa Ab iyo Isirtoona uma aydaan lahayn inaad talisaan aniga awoowa yashayna kuwaas aan sheegay bay ahaayeen ” ayuu yiri ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online