2 askari oo lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari

December 18, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in labo ka tirsan ciidanka canshuuraha Puntland lagu dilay Boosaaso xili ay ku guda jireen waajibkooda shaqo. Labada askari ayaa waxaa la dilay xil ay ku mashquulsanaaayeen aruurinta canshuurta waxaan dilkooda uu ka dhacay Bartamaha magaalada Boosaaso oo ah goob aad u mashquul badan waxaaan goobta dilka ka dhacay ku sugnaa dadweyne fara badan iyo gaadiid kale duwan.

Goobta dilku ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray markii danbe ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Bari waxaan ay sameeyeen baaritaano weli aan wax natiijo ah aan lahayn sidda caadiga u ah ee dhici jirtayba.

Dilalka ka dhaca magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay leeyihiin u jeedooyin kale duwan waxaase inta badan dilal ka dhaca Boosaaso lagu eedeeyaan ururka Al-shabaab oo dagaalo kale duwan ay ku dhex mareen Buuraha Golis ee Gobolka Bari ciidamda difaac Puntland.

Ilaa hadda ma jirto wax masuuliyiin ah oo ka tirsan Gobolka Bari oo ka hadlay dilka maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online