Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Kulan Laqaatay xubnaha Golaha Deegaanka Gaalkacayo.

December 28, 2017 - Written by Editor

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 december 2017 waxaa uu kulan laqaatay xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo.

Kulanka uu Madaxwaynuhu Laqaatay Golaha Deeganka degmada Gaalkacayo ayaa waxaa ku wehelinaayay mas”uuliyiin katirsan golayaasha Dawldda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland, waxaana kulanka lagaga wada hadlay arimo ay kamid ahaayeen dardargelinta mashaaricaha horumarineed ee Dawladdu kawado magaalada Gaalkacayo iyo wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya xildhibaanada golaha deegaanka .

Madaxwaynaha ayaa xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo waxaa uu ku booriyay in ay kawada shaqeeyaan sidii ay magaalada Gaalkacayo hor”umar balaadhan ugaar siin lahaaye si ay ula jaanqaado magaalooyinka dhigeeda ah.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu ugu baaqay in dhammaan xildhibaanadu ay u istaagaan sidii ay waxbadan looga qaban lahaa horumarka, nabadgelyada, iyo bilicda magaalada Gaalkacayo.

Ugu danbayn Madaxwaynha Dawlada Puntland ayaa waxaa uu kula dardaarmay guud ahaan shacab iyo Dawladd in laga wada qayb qaato horu”marka iyo nabad gelyada magaalada Gaalkacayo.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online