Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Taliyihii Qaybta Gobolka Cayn.

December 22, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyey geerida Alle hawnaxariistee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali oo ahaa taliyaha qaybta Booliska gobolka Cayn. Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya afka goleyaasha dawaladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Taliska Booliska Puntland , eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Alle denbigiisa ha-dhaafee marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali.

Marxuunka ayaa ku geeriyoodey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland halkaasi oo uu mudooyinkii ugu danbaysay ku xanuunsanaa, Illaahayna uu qadar in maanta ay saacadiisii kusoo gebagebowday.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuun Gaashaanle Sare Maxamuud Jaamac Cali uu ahaa sarkaal gudashada waajibaadkiisa shaqo ku wanaagsan, islamar’ahaantaana shaqo wanaagsan qabtay muddadii uu ahaa taliyaha qaybta Booliska gobolka Cayn.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuunka marlabaad Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Alle sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online