Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo ku qaabilay madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka.[Masawiro]

December 18, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno katirsan golaha Wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Flippo Grandi oo uu wehelinayo Wakiilka Hey’ada ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah waxaa diirada lagu saaray warbixinadii ugu danbeeyay iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan kasoo laabtay xerada Qoxootiga Dhadhaab iyo sidii loo dardar galin lahaa soo celinta kuwa wali maqan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in hawlaha socda ay guulaystaan balse mar walba uu jiro walaac ay dadku ka qabaan waxa uu mustaqbalku noqonayo marka ay Soomaaliya dib ugu soo laabtan.

Dhamaan dhinacyada shaqadan wada ayuu ku booriyay in loo midoobo sidii looga dhabayn lahaa balamahii la qaaday ee la xiriira sidii dadka dib ugu soo noqonaya Soomaaliya loo garab istaagi lahaa.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhibaatada dhinaca amniga ah ay wax badan xadidayso oo laga yaabo in hadii dhulka la xorayn lahaa ay noloshu is furfuri lahayd.

Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay xooga saran dib u xoraynta dalka oo uu sheegay ka Jubbaland ahaan in ay diyaar u yihiin.

“ Dadka soo noqonaya anagaa u baahan Aqoontooda waayo aragnimadooda iyo cududooda maadama ay inta ugu badan dhalinyaro yihiin “ ayuu yiri Madaxweynahu.

Sidaas oo ay tahay ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sheegay in hadii aan la helin jiho sax ah oo dadkaas loo hago ay macquul tahay in looga faa’iidaysto wadooyin kale oo khaldan taasna ay kawada shaqaynayaan Dowlada Federaalka ah sidii looga hortagi lahaa oo dhalinyarada mustaqbal wanaagsan loogu abuuri lahaa.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online