Madaxweynaha Puntland oo Dhagax Dhigay Waddo Laami Ah oo Isku Xidhidoonta Garoowe Iyo Taleex.[Masawiro]

December 19, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 19 December 2017 dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyoTaleex, taas oo dherer keedu dhan-yahay 90Km. Dhagax dhigga waddadani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada dawladda Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, nabaddoono, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay ka xuukuumad ahaan ka go’an-tahay in si siman degaanada Puntland loo wada gaadhsiiyo horumarka iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha.

‘’Waxaan rabnaa in degaanada Puntland ay u sinaadaan xuquuqda, horumarka iyo waajibaadkaba, waxaa laga yaabaa mashriic badan oo dalka laga hirgeliyey aan soonkan waxbadan illaa iminka laga qabanin, ka cudurdaaran mayno laakiin waxaan sheegayaa oo aan rabaa inaan halkan ka cadeeyo in waddadani ay dhismi doonto Alle idinkii Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

“ Waddada Garoowe Taleex waxay ku dhismi doontaa isku tashiga dawladda Puntland iyo shacabkeeda iyo sidoo kale ciddii kale oo aanu la kaashan karnoba, laakiin waxaan rajaynayaa in sanadka bilawgiisa ay billaabato si deg degana u bilaabato Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dawladdu si deg dega wax uga qabanayso kaabidda arrimaha bulshada ee degmada Taleex, waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in hadda ay dawladdu $200,000 oo Dollar gaadhsiin doonto maamulka degmada iyo waxgaradka magaaladaasi si wax looga qabto baahida markaasi ay sheegtaan bulshada magaaladaasi.

“ Waxaan rabnaa inaan ka jawaabno baahiyaadka ay noo-sheegeen waxgaradka magaalada Taleex kaasi oo ah wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, waxaanna rabaa inaan halkan ka cadeeyo inaan $200,000 [ laba boqol oo kun oo dollar] gaadhsiin doono degmada Taleex kaasi oo aanu ugu tala galay inaanu wax kaga qabano adeegga bulshada ee magaaladaasi barnaamijkaas waxaa iska kaashan doona dawladda Puntland iyo hay’adda TIS-PLUS”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka magaalada Taleex kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadgelyada, xasiloonida iyo kala debaynta, waxaana uu ku booriyey shacabka magaaladaasi inay ka shaqeeyaan horumarka degmadooda iyo dhammaan degaanada hoosyimaada.

=DHAMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online