Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Ambabaxay Magaalada Muqdisho.

December 2, 2017 - Written by Editor

Maxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02 December  2017 safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dawladda Federaalka ah Soomaaliya.

Madaxwaynaha iyo weftgiisa ayaa kahor intaanay ka anbabixin  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Kanooko  ayaa waxaa kusii sagootiyay madaxwayne kuxigeenka dawladda  Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar  Camay  iyo madax katirsan golayaasha dawladda Puntland, saraakiiisha ciidamada iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kaga qaybgelidoonaa shirka amniga qaranka, kaas oo ka furmidoona magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay kasoo qayb geli doonaan madaxda dawladda xubanaha ah Dawladda federaalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed ali Gaas ayaa kahor inta aanu ka anbabixin garoonka diyaarahada magaalada Garoowe ee kanooko, ayaa waxaa uu lahadlay warbaahinta  isaga oo kawarbixinaya safarkiisa maanta uu ugu anbabaxay Muqdisho  waxaana uu yiri madaxweynuhu

waxaan kusocdaa Muqdisho oo aan kaga qaybgalayo shir ay isugu imanayaan beesha caalamka iyo madaxda soomaalida, iyo sidoo kale shirkii amniga qaranka oo arimaha ugu muhiimsan oo looga hadlayo ay noqon doonto nabdgelyada dalka, xasilinta iyo geedi socodka dawladnimadda soomaaliya, shirkaas oo labada maalmood ah, kabacdinawaxaa dhici doona shirkii beesha caalamka iyo madaxda soomaalida oo dhammaandoona bisha 5teeda ah, kabacdina inshaa allaahu waxaan rajaynayaa in aan si nabad gelya ah usoo laabano, waxaan idinkula dardaarmayaa  in laga shaqeeyo lana taageero nabadgelyada iyo horumar, guul baan diin rajaynayaa

Ugu danbayn, Madaxwaynaha Dawladda Puntland  DR. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiha balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa maalmaaha fooda inaku soo haya ku sugnaan doona magaalada Muqdisho, kadibna dalka dib ugu soo laaban doona. 

–DHAMMAAD–                                                                                            

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online