Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo (Masawiro)

December 24, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 24 December 2017 safar shaqo ku gaadhey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka hor inta aanay soo gaadhin magaalada Gaalkacayo soo kormeereen dhismaha waddada Garoowe- Gaalkacayo oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa magaalooyinka Xarfo, Bacaad-weyn iyo Cagaaran oo dhammaantood ka tirsan gobolka Mudug, isla markaana waxaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa maamulka gobolka Mudug, isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka magaalooyinkaasi.

weftiga Madaxweynaha ee kasoo kicitimay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxaa caasimadda gobolka Mudug kusoo dhoweeyey maamulka gobolka, maamulka degmada, Talihaya ciidamada daraawiisha Puntland iyo saraakiil ka tirsan qaybta 21 ee ciidamada DFS, isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxwaynaha Dawladda Dawladda Puntland oo warbaahinta lahadlay markii uu soo gaadhay magaalada Galkacyo ayaa waxa uu sheegay.in uu ku faraxsanyahay imaantinkiisa magaalada Gaalkacayo, waxaana uu xusay Madaxwaynuhu in isaga iyo weftigiisu ay muddo sadex cisho ah ugu sugnaayeen magaalada Buurtinle daminta xaaladi ka aloosnayd hawdka gaar ahaan deegaanka Cagaare.

Sidoo kale Madaxwaynaha Puntland ayaa mahad balaadhan ujeediyay masuuliyiinta leh heer federaal, Puntland iyo Galmudug ee kashaqeeyay nabadaynta, xasilinta,isdhexgalka shacabka magaalada Gaalkacayo, islamarkaana waxaa uu Madaxwaynuhu ku booriyay masuuliyiinta, waxgaradka, isimada, nabadoonada magaalada Gaalkacayo in ay si wada jira uga wada shaqeeyaan horumarka, nabad-gelyada iyo xasiloonida Magaaladooda.

“Waan ku faraxsanahay in aan nimaadno magaalada Gaalkacayo oo nabad ah oo colaad iyo wax shidda ah aysan ka jirin, roobsatay oo barwaaqo ah, waxaan filayaa hadii aad joojisaan colaada in Alle ‘SWC’ raxmadiisa idiin badinayo hadii aad waadaan colaada waxaa sii badanaya nusqaamidda raxmadda Alle, wanaag haddii lasameeyo wanaag baa lahelayaa, dhibaato haddii la abuurona dhibaato ayaa lahelayaa”. ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland.

“Waan rajaynayaa nabadda aad isku afgarateen inay ahaato mid dhaba, mid waarta, mid xasilooni gobolka u horseedda, si markaa ay dadku horumar iyo wanaag dawladnimo ugu jeestaan wixii anaga dhankayaga ka dawladd ahaan iyo ka xukuumad ahaanba nagu xidhma waan ka qayb qaadan doonnaa” ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland.

Ugu danbayn, Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka gobolka Mudug ee soo dhaweeyay maanta uga mahadnaqay soo dhawaynta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay kawada shaqeeyaan nabadda, horumarka, kala danbaynta, iyo xasiloonida guud ahaan Gobolka.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online