Madaxweyne Farmaajo “Waxaa sharaf weyn ah in aan dib u hanannay maamulka iyo maareynta hawadeenna.”

December 28, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta iyo qalabka hawada lagu maamulayo ayaa kormeeray shaqada ay hayaan khubarada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray maareynta duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn noo ah in aan dib u hanannay maamulka iyo gacan ku heynta hawadeenna. Waxay tani qeyb ka tahay dadaallada aan ugu jirno sidii aan dib ugu hanan laheyn dowladnimo dhammeystiran.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in Dowladdu ay dardar gelinayso dadaallada Ilaalinta soohdimaha badda iyo xuduudaha barriga, taasina ay u baahantahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada dowladda iyo shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddii koobneyd ee dowladda shaqeynaysay ay ku guuleystay dib u soo celinta kalsoonida Beesha Caalamka ay ku qabaan Soomaaliya taas oo dhabbaha u xaareysa waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan horumar weyn ka sameynay dhanka maamulka maaliyadda dalka taas oo hay’adda lacagta Adduunka IMF ay qirtay in wadada saxda ah ay ku socoto siyaasadda dowladda ee dhanka maamulka maaliyadda.”

Dowladda Federaalka ah ayaa qorsheynaysa dhawaan in la furo dugsiga tababarka maamulka iyo maareynta hawada si loo diyaariyo aqoonyahanno iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay maamulka iyo maareynta hawada, kana hawlgala guud ahaan dalka.

Masuuliyiinta kale ee madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay Shirkadaha Duulimaadyada Caalamiga ah in ay dalka ka bilaabaan duulimaadyadooda tooska ah maadaama Soomaaliya ay buuxisay sharciyada duulimaadyada caalamiga ah.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online