Mu,tamarkii 9aad ee jaaliyada Soomaaliyeed ee Ugandha oo la soo gabagabeeyey (Masawiro)

December 28, 2017 - Written by Editor

Kampala:-Waxaa markii bisha ahayd 26/12/2017 lsoo gabagaboobay Mu,tamarkii 9aad ee Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ugandha gaar ahaan magaalada Kampala ee xarunta dalkaas waxaana lagu qabtay Mu,tamarkii 9aad Markazka weyn ee Al-Tawxiid .

Mu,tamarka oo sanadkii la qabto laba jeer ayaa waxaa ka soo qeyb galay sanadkan Mu,tamarka culimada kala ah.

1. Sheekh Mustafe xaaji Ismaaciil Hargaysa
2. Sheekh Maxamed Idriis Axmed Sacuudiga
3. Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Garowe
4. Diktoor Xasan Sheekh Cali Warsame Burco

Mu,tamarka oo sanadkan halkudhagiisa ahaa
(QABSADA XARIGA ILAAHEEY ADINKOO WADAJIRA HANA KALATEGINA) Ayaa waxaa ka baxay muxaadaraad kala duwan oo gaaraayay 13 muxaadaro qaarkoodna ka baxay masjidka Towxiid qaarkoodna ka baxay Hoolka Jaamacadda KIU

Muxaadaraadka inta ay socdeen ayaa waxay culimada ka jawaabeen su,aalo aad u babadan ayadoo ay muxaadaraadkaa ay ka faa,iidaysteen boqolaal jaaliyadda soomaalida ee isugu jiray rag iyo dumar, waxaa sidoo kale si gaar ah uga faa,iidaystay culimada Ardayda jaamacadaha oo muxaadaraad gaar ah loo sameeyay.

Mu,tamarka oo furmay 23/12/2017 Ayaa socday Afar maalmood iyo habeenadooda ayaa waxaa loo qabtay xaflad furitaan oo balaaran oo ka dhacday masjidka, culimadana waxaa lagu soo dhaweeyay gabayo iyo hadalo aad u qiima badan waxaana soo dhawaynta qayb ka ahaa ardayda madaarista ee kampala, waxaana si rasmi ah culimada u soo dhaweeyay Sheekh Maxamed Cabdiweli oo ah imaamka iyo Sheekha Markaska towxiid.

Ugu danbaystii Waxaa ka soo baxay mu,tamarka bayaan laga soo jeediyay mu,tamarka habeenkii uu soo gabagaboobay ee xalay ahaa 26/12/2017 Bayaankaa oo lagu soo koobay culimada mawaadiicda ay ka hadleen iyo dardaarankii culimada.

Waxaana duco ku soo gabagabeeyay mu,tamarka Sheekh muxamed idriis oo ka mid ahaa culimada mu,tamarka qaybta ka ahayd

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online