Nadwo Walaaleynta Bulshada iyo la dagaalanka Qayaalada oo lagu qabtay Laascaanood (Daawo)

December 1, 2017 - Written by Editor

Laascaanood:-Waxaa malinimadi Jumcadii ee soo gabagaboobay dawro Loogu magac daray walaalaynta Bulshada iyo la dagaalanka qabyaalada.

Dawradan oo soconaysay muddo 2 casho ah aya waxa loo qabtay Haldoorka Bulshada oo isugu jira ardayda jamacadaha , kuwa secondryada, macalimin iyo odoyal dhaqameed.

Waxa barnamijkan daadihinayay oo tababarkan fuliyay sh Axmed Cabdisamed Cabdalle
Waxana loo tababarayay Haldoorkan sidii ay uga shaqyn lahaayen barnaamijkan una sii gudbin lahaayeen aqoontan ay faaidaysteen .

Dhinaca kale Sh Ahmed Cabdisamed oo kamid ah culimada soomaliyed ayaa maalmihii ugu danbeyay ku sugnaa magaalada laascaanood isagoo muxaadarooyin kala duwan ka jeediyay Masajida iyo jamacadaha magaalada Laascaanood oo dhamaantood ku saabsan ololaha la dagaalanka qabyaalada iyo Bulshadan walaalaynteda.

Nadwo cilmiyeed kooban oo ku saabsan la dagaalanka qabyaalada ayaa waxaa laga jeediyey muxaadarooyin kala duwan waxaana ka mid ahah culumadii ka soo qeyb gashay.

Hoos ka Daawo Muxaadaraadkii laga jeediyey Nadwadii lagu qabtay magaalada Laascaanood ee looga cinwaankeeda uu ahaa Walaaleynta Bulshada iyo la dagaalanka Qayaalada .

1-Horudhac ku saabsan barnamijka walaalaynta Bulshada iyo la dagaalanka qabyaalada ShAxmed Cabdisamad.

2-Qabyaalada iyo mawqifka islaamku ka istaagay Sh Aden weli Cabdi Xusen

3-Walaaltinimada maxaa culeysiiya maxaase diciifiya Sh Jaamac Yaasiin.

4-Maxaa xal u ah qabyaalada Sheekh Axmed Cabdi samed .

Gabagabadii dardaarano dhamaan culimadaa ah iyo proff C/risaaq lafoole iyo Sh Aden Cali Nuur oo kalmado kooban ka ku khatimay.

Musasat Al-Karam 
Laascaanood 
Maxamed Abdulahi
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online