Shir lagu diyaarinayo Istaraatiijiyadda Waxbarashada ee Dastuurka oo furmay.[Masawiro]

December 17, 2017 - Written by Editor

Muqdisho ayaa maanta martigelineysa shir lagu diyaarinayo Istaraatiijiyadda Waxbarashada iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka (DUED) oo socon doona sedexda maalin ee soo socota ayna ka soo qaybgaleen wufuud ka kala timid dawlad goboleedyada.

Wasaaradda ayaa shir noocan oo kale ah bishii August qabatay, midkan maanta furmay ayaana ah wejigii ugu dambeeyay ee diyaarinta Istiraatiijiyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha waxa uuna ka hadlay muhiimadda kulankan. Wasiir Ku-Xugeenka oo shirka furay ayaa ugu horeeyn ka hadlay dedaalada ay wado Wasaaradda iyo qorsheyaasha dhaw.

“Sida dad badan oo idinka mid ah ay ka warqabaan, waxa aan sideedii bil ee la soo dhaafay qabanay hawlo ballaaran, waxa aan dejinay qorsho ku aadan DUED, Istiraatiijiyadda sedexda maalin ee soo socota aad diyaarin doontaana waxa ay muhuum u tahay fulinta qorshaha guud ee Wasaaradda iyo Gudiyada ay hawlwadaaga yihiin ay dejiyeen” ayuu yiri Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa ka qaybgalayaasha uga mahadceliyay waqtiga ay ku bixinayaan shirkan waxa uuna u rajeeyay in ay guul ku soo dhameeyaan diyaarinta Istiraatiijiyadda ay ku hawlanyihiin.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online