Taliyihii Saldhigga dhexe ee Waqooyiga Gaalkacyo Cali Magafe oo la dilay

December 6, 2017 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Allaha u naxaristee Taliyihii Saldhigga dhexe ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo Cali Magafe ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa xil uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada sidda dad goob joogayaal ah ay u xaqiijiyeen saxaafadda.

Taliyii Saldhigga dhexe ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo Cali Magafe ayaa qaraxu qabsaday xili uu marayey dhabarka danbe ee xarunta madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Taliyii Saldhigga dhexe ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo Cali Magafe ayaa waxaa gaaray markii hore dhaawac culus waxaan la gaarsiiyey Isbitaalka magaalada Gaalakacyo oo markii danbe uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Magaalada Gaalakacyo ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo u jeedooyin badan ah waxaan inta badan qaraxyadu ka dhacaan magaalada dhinaceeda Waqooyi, Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa lala beegsadaa inta badan masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland iyo Saraakiil Ciidan.

Dilalka iyo qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa markii ay ka dhacaan Waqoyiga magaalada Gaalakacyo  ama Soomaaliya waxaa inta badan is been fariima Saraakiil loo igmada in ay sugaan amniga kuwaas oo inta badan yiraahda waan baaraynaa wax dhacay mana jirto wax xog ah oo ku saabsan arrimaha dhacay oo ay la wadaagaan ehelada qofka la dilay ama bulshada Soomaaliyeed arrintaas oo abuurta su’aalo badan iyo shaki.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online