Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS oo gaaray Garoowe.[Masawiro]

December 22, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawlad Goboleedyada, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Agaasimaha Guud iyo Lataliyayaal sare oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda dhexe.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Dastuurka Puntland iyo masuuliyiin kale. Wasiir Cabdi Xoosh oo saxaafadda la hadlayay ayaa ka mahadnaqay soo dhaweeynta wanaagsan ee loo sameeyay, sidoo kale waxa uu ka hadlay ujeedada safarka.

“Ugu horeeyn, waxa aan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta aadka u qiimaha badan ee na loo sameeyay, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan markale soo gaaro Garoowe; waxa aan u nimid Garoowe in aan ka qaybgalno shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo sedexdii bilba mar qabsooma” ayuu yiri AVV Xoosh.

Gabagabadii, wafdiga ayaa ku sugnaan doona Garoowe maalmaha soo socda iyaga oo War-murtiyeed ka soo saari doono shirka madasha.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online