Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hor-yimid go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir (Dhageyso)

December 21, 2017 - Written by Editor

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka hor-yimid go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ku siidaayey C/raxmaan C/shakuur Warsame ay ku soo eedeysay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo ahaa fal dambiyeed qiyaano qaran iyo duminta DFS.

Dr. Axmed Cali Dahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wuxuuna sheegay in go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ahaa mid baal marsan sharciga, isla markaana wuxuu cadeeyey in ay hayaan cadeymo khuseeya eeda loo soo jeediyey C/raxmaan C/shakuur Warsame .

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale sheegay in Xafiiska Xeer Ilaalinta uu racfaan ka qaadanayaa go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ku adkeystay  in aanu sharciga waafaqsaneyn,kana horimaanaya shuruuucda dalka go,aanka Maxkamada gobalka Banaadir .

Hoos ka Dhageyso Dhageyso shirka jaraa’id ee Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/12/SP0000.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online