Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland oo safar shaqo ku tegey Kastamka Tuur-dibi.[Masawiro]

January 1, 2018 - Written by Editor

Goldogob:-Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Puntland Mudane. Maxamed Faarax Qambi ayaa manta oo ah bilawga sanadka cusub 01 January 2018 safar shaqo ku tegey Kastamka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo dalka Ethiopia.

Agaasimaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey hawl wadeenno ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland, waxaana Agaasimaha iyo weftigiisa kusoo dhoweeyey degmada Goldogob ee gobolka Mudug guddoomiyaha degmada Ayaxle Faarax Maxamed iyo maamulka kastamka Tuur-dibi Cabdullaahi Maxamuud Saleebaan.

Soo dhoweyn kadib Agaasimaha iyo masuuliyiinta safarka ku wehelinaysey ayaa soo kormeeray kastamka Tuur-dibi oo dhowaan la dhamaystiray dhismihiisa, waxaana uu Agaasimuhu noqonayaa masuulkii ugu horeeyey ee ka socda Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland oo soo gaadha kastamka.

Agaasime Maxamed Faarax Qambi ayaa kulan is xogwaraysi ah la yeeshay maamulka kastam ka Turuur-dibi, isla markaana waxa ay maamulku usoo gudbiyeen Agaasimaha baahiyaadka daruuriga ah ee ka jira Kastamka, waxaana uu xusay inuu si dhakhso ah wax uga qaban doono baahiyahaasi daruuriga ah ee loo baahan yahay in lagu dardargeliyo shaqooyinka muhiim ka ah ee uu qaban doono Kastamku.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa tilmaamay in dhowaan Kastamka Tuur-dibi lasoo gaadhsiin doono agab xafiis oo dhamastiran kaasi oo ka koobnaan doona, Gaadiid ay u dhamaystiran yihiin qalabka immigaration ka, dress ka shaqaalaha iyo qalabka shaqada xafiiska oo isna dhamaystiran.

Dhinaca kale Agaasime Qambi ayaa tilmaamay in kastamka Tuurdibi uu ahaan doono mid la jaanqaada kastamada xuduudaha adduunka madaama uu u dhexeeyo Soomaaliya iyo Ethiopia, isla mar’ahaantaana waxa uu xusay in Kastamku yahay kii ugu horeeyey ee Punland laga hirgeliyey lagana dhiso degmada Goldogob ayna u tahay degmada fursad qaaliya oo ay horumar ku gaadhi karto.

Ugu danbayn Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jisiyaddaha dawladda Puntland Mudane. Maxamed Faarax Qambi ayaa kula dardaarmay maamulka degmada Galdogob, waxgaradka, nabadoonada iyo maamulka kamtamka Tuur-dibi inay ka wada shaqeeyaan dardar gelinta shaqada qaran ee uu qaban doono Kastamku, isla markaana ay ilaashadaan nabadgelyadooda iyo horumarka ka socda degmada iyo guud ahaan degaanada hoosyimaadda.

—-DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online