Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Puntland maxay ka yiraahdeen colaada Tukaraq ee Gobolka Sool.[Dhagayso]

January 15, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Sh. Daahir aw cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa maalintii Jimacada waxaa uu khudbadii Jimce ka dib jeediyey waano guud oo uu ka digayo in dadka Soomaaliyeed dhexdood laga dhex alooso dagaalo ku slaayam qaab beeleed.

Sh.Daahir aw cabdi ayaa waxaa uu ka hadlay colaada ka soo cusboonaatay Gobolka Sool guud ahaan gaar ahaan deeganka Tukaraq oo ay usbuucii la soo dhaafay ciidamo daacada u ah S/land ay qabsadeen halka kuwa Puntland ay ka baxeen deegaanka iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin.

Sh.Daahir aw cabdi oo ka hadlay masjidka weyn ee Rowda ee magaalada Boosaso ayaa baaq nabadeed u jeediyey maamulka S/land iyo Puntland waxaana uu shiikhu ugu baaqay in la joojiyo colaada oo wax faa’ido ah aan cidna ka helayn bulshada Soomaaliyeedna ay ogaatay khasaraha iyo dhibaaatada laga dhexlay dagaalkii qabilka ee ka dhacay Soomaaliya markii ay burburtay dowladdii dhex ee Soomaaliya.

Sh. Daahir aw cabdi ayaa ku baqay in si deg deg ah loo kala qaado ciidamada isagoo si gaar ah uga codaaday madaxweynaha Puntland Dr Gaas iyo kan S/land Muuse Biixi in la qaboojiyo colaada lagana fogaado dhiig Soomaaliyeed oo isku daata taas oo laga dhaxlayo aduun iyo Aakhiro seeg.

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan S/land ayaa marar badan ku baaqay in aan dadka shacabka ah la iska horkeenin oo aan dib loo abuurin dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya oo aysan mahdin shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha.

Dhinac kale waxaaa wax laga xumaado in wasiirka arrimaha gudaha ee S/land Maxamed Kaahin oo la hadlay saxaafadda ayaa ku hadlay hadalo gef ku ah culimada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan culimada Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland isagoona sheegtay in culimada ku nool deegaanada Puntland ay ku baaqeen salaadii Jimce ka dib in lagu jihaado S/land arrinkaas oo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Wasiirka arrimaha gudaha ee S/land Maxamed Kaahin ayaa looga fadhiyaa in uu raalin gelin buuxa ka bixiyo hadalkaas gafka ah ee uusan ka fasiirsan oo uu kula kacay culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Puntland ,Culimadu waxaa ay xambaarsan yihiin waa dhaxalkii Nebigeena Muhamed Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaateen waxaan haboon in aan lagu xadgudbin si siman Gobolkii ay rabaanba ha ku noolaadeene maadaama ay u dhexeeyaan umada Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo been abuurka wasiirka arrimaha gudaha ee S/land Maxamed Kaahin


Baaqa Sh.Daahir aw cabdi wuxuu cadayn u yahay in hadalka wasiirku yahay been abuur iyo kicin dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada S/land arrinkaas oo ah mid dhaawacaysa wasiirka arrimaha gudaha ee S/land Maxamed Kaahin.

Hoos ka Dhagayso Baaqa nabadeed ee uu Shiikh Daahir aw cabdi u jeediyey S/land iyo Puntland

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2018/01/AUD-20180115-WA0031-1.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online