Daawo Madaxwaynaha DFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo[Masawiro+Video]

January 13, 2018 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr .Cabdiwe Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13-January 2018 ayaa waxa uu kusoo dhaweeyay magaalada Gaalkacayo ee xaruntaa gobolka Mudug Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa soo dhawaynta Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxwaynaha dawlad-goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Gudoomiyaha gobolka mudug, duqa degmada Gaalkacayo, golayaasha dawladda Puntland ,saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacayo.

Madaxwaynaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Weftigiisa ayaa waxa ay kasoo kicitimeen Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ,halkaas oo maalmihii udanbeeyay safar booqasha ah ku marayeen Madaxwaynaha iyo wefdigiisa.

Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Gaalkacayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxwaynahana dawladioda Puntland Dr . Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu Madaxwaynuhu markii uu soo gaadhay magaalada Gaalkacayo mid mid Ugacan qaaday masuuliyiintii halkaasi ku soo dhawaysay.

Dhinaca kale Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabdadii soo dhawaynta ahayd ee loogu sameeyay magaalada Gaalkacayo isagoo bulshada kala hadleen goob fagaare ah oo ay isgu yimaadeen kumanaan ka mid ah bulshda gobolka Mudug waxayna uga mahad-celiyeen soo dhawaynta balaadhan ee ay ku Maamuuseen.

Madaxwaynaha dawladda Puntland oo ugu horayn ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa yiri,

“Waad mahadsantihiin dhammaantiin dadwaynaha reer Gaalkacayo soo dhawaynta aad usamayseen Madaxwaynaha DF Soomaaliya, Mudane Madaxwanye kusoo dhawow Magaalada Gaalkacayo waxaa kuu diyaar ah Shacabkii oo maanta oo dhan qorax utaagnaa si ay kuugu soo dhoweyaan magaalada Gaalkacayo Soo dhawow soo dhawow, waxad utimi dadkaagii oo kusugayay inbadan.”

Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa yiri, “mudane Madaxwyane dadwaynaha reer Gaalkacayo waxaan rabaa in aan idinla wadaago safarkan magiciisa, safarkaan magiciisa ayaan halka ku daah furayaa waxaana ugu magac daray safarkii dib-uheshiisiinta Soomaaliya, waxaan rabaa in magaaladaan Gaalkacayo noqoto xaruntii dib uheshiisiinta Soomaaliyeed waa magaalo taariikh kuleh guud ahaan Soomaaliya ,waxaa kasoo baxay dad magac wayn ku leh Soomaaliya oo ka qayb qaatay halgankii loo soo maray dalkaan.”

Ugudanabayn Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxay safarkooda hore ugu sii gudbi doonaan maamulka Galmudug.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online