Daawo soo dhaweyntii Madaxweyne JFS loogu sameeyey magaalada Qardho (Masawiro)

January 10, 2018 - Written by Editor

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiwe Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10 jan-2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho .

Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar .

Madaxwaynaha iyo wefdigiisa yaa kahor inta aanay soo gaadhin magaalada Qardho waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay degmada Dangorayo ,halkaas oo ay kasoo dhagax dhigeen waddo laami ah oo isku xidhidoonta magaalooyinka Dangorayo iyo Eyl .

Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya iyo Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Qardho waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay, gudoomiyaha Gobolka Karakaar , duqa degmada Qardho , qaar ka mid ah Golayaasha dawladda Puntland, iyo dawlaadda federaalka Soomaaliya , isimo, Salaadin , Cuqaal , waxgarad iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho .

Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen munaasabadii soo dhawaynta ahayd ee loogu sameeyay magaalada Qardho , iyagoo bulshada kala hadlay goob fagaara ah oo ay isgu yimaadeen kumanaan ka mid ah bulshda gobolka Karkaar waxayna uga mahad-celiyeen soo dhawaynta balaadhan ee ay ku Maamuuseen .

Sidoo kale Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxa uu hadhima-sharafeed usameeyay Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Mdaxwaynaha DF Soomaaliya , isla mar ahaantaana waxaa uu boqorku hadiyado hiddaha iyo dhaqanka ah oo uu ugu talagalay in uu ku Maamuuso Gudoonsiiyay Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya iyo weliba siyaasi Salaad Cali Jeele.

Boqorka ayaa wax uu halkaasi ka jeediyay hadalo mahad naq ah oo uu kusoo dhawayanyo Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha Dawladda FD soomaaliya .

Ugu danabayn Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliaya ayaa waxa ay dhagax-dhigeen dhisme ay yeelan doonto jaamacadda umadda soomaaliyeed faraceeda magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online