Heshiis Gal-Mudug iyo maamulka Gobollada dhexe oo ka furmay Dhuuso-mareeb.[Masawiro]

January 18, 2018 - Written by Editor

Dhuuso-mareeb:-Magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug ayaa saaka waxaa ka furmay shir lagu dhameystiryo heshiisyo ay horay u wada gaareen maamullada Galmudug iyo maamulka Gobollada dhexe ee gacanta ku haya Dhuuso-mareeb iyo Guriceel waxaan xaflada hishiiska goob jog ka ah madaxweynaha Dowladda Federaalka, madaxda maamullada ka jira dalka, xubno ka socda beesha calaamka.

Wafdi ka socda IGAD oo uu hogaaminayo Francisco Madeira, iyo Erkeyga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya Michael Keatingayaa gaaray magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug si ay goob joog uga ahaadaan shir dib u heshiisiin oo lagu dhamays tirayo hishiisyo ay horay u wada gaareen maamulka Gal-Mudug iyo Maamulka Gobollada dhexe.

Waxaa la filayaa in shirkaan uu noqdo kii ugu danbeeyey ee soo afjar khilaafka iyo mad madowga awood qaybsi ee ku kala dhex jiray maamulka Gal-Mudug iyo maamulka Gobollada dhexe ee ay hogaamiyaan Suufiyadu.

Dhanka kale wararka ka imaanaya saaka degmada Cadaado ayaa sheegay in uu ka socdo banaanbax looga soo horjeedo shirka ka furay degmada Dhuuso-mareeb ee la doonayo in lagu dhameystiro heshiiska maamulka Gal-Mudug iyo maamulka Gobollada,

Banaanbax degmada Cadaado ayaa ku soo beegmaya xili shalay Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay gaareen magaalada Cadaado, si ay ula kulmaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyinta degmada Cadaado si looga hortago khilaaf hor leh oo dhex gala beelaha dega deegaanada hoos taga maamulka Gal-Mudug

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online