Isimada beesha Tanade oo Sharaf Quraaceed u Sameeyay Madaxwaynaha JFS (Masawiro)

January 14, 2018 - Written by Editor

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda DF ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta14 january 2018 waxaa martiqaad quraac sharaf ah u sameeyay Isimada beesha Tanade.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaashada dawladda Puntland, golayaasha Dawladda Faderaalka Soomaaliya,  qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Munaasabadaan ayaa waxaa ku maamuusay Madaxda dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya Beel kamid Beelaha Gobolka Mudug, waxaana ay ahayd munaasabad lagu soo dhawynayo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo, kuwaasi oo ku sugan maalmihii udnabaysay Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa si wadajir ah ugaga mahad celiyay isimada iyo Guud ahaan Beesha Tanade ee marti qaadkaan ku maamuustay madaxdooda.

Sidoo kale Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliy Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si wada jir ah ula yeeshay kulan looga hadlayey amaanka, xasiloonida, horumarka Magaalda Gaalkacayo iyo guud ahaan kan gobolka Mudug.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online