Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha JFS oo Kormeeray Xarumo Ganacsi. [Masawiro]

January 12, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 jan-2018 ayaa waxaa ay si wada jir ah xadhiga uga jareen dhisme cusub oo shirkada Golis ay ka hirirgelisay magaalada Boosaaso iyo Viber Obtic oo ah khad internet oo badda lasoo mariyey kana hawl gelidoona gobolada Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayay munaasabada xadhig-kajarka Madaxwaynaha DF Soomaaliya, maamulka degmada Boosaaso, maamulaka gobolka Bari ,masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad. iyo maamulka shirkada isgaarsiinta Golis.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa si wada jir ah xadhiga-ujaray dhisme cusub oo todoba dabaq ah oo shirkada is gaarsiinta ee Golis leedahay.

Madaxwaynaha dawladda Puntland oo munaasabada xadhig jirida ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in shirkada Golis ay wax badan oo horu-mar ah ku soo kordhisay Puntland, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu sheegay in dhismahan maanta xadhaiga laga jaray uu la mid yahay dhismayaasha casriga ah ee adduunka.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxa uu si aad ah ugu mahac celiyay ganacsatada ku dhiiraty in ay dhismayaal noocaas ah ka hirgeliyaan Mgaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Sidoo kale Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Frmaajo oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu xadhiga ka jaro dhismahaan casriga ah ee shirkada Golis ay ka hirgelinayso magaalada Bosaaso, dhismahan oo ka kooban 7 dabaq ayuu Madaxwaynaha DF Soomaaliya sheegay in ay farxad gaar aha utahay in dalka lagu soo kordhiyo.

Dhinaca kale qaar kamid qado sharaf lagu maamuusay Mdaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxaa usameeyey Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland, sidoo kale qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya iyo golayaasha Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya ayaa uga mahad celiyay Ugaaska qada sharafta uu ku maamuusay, isla marhaantaana bogaadin iyo mahad balaadhan usoo jeediyey dadweynaha gobolka Barrie e sida diiran usoo dhaweeyey.

Ugu danbayn Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay socod ku soo mareen qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso iyagoo ka adeegtay goobta adeega ee Al Macruuf oo ah goobaha ganacsi ee ku yaala magaalada Boosasso, isla mara-ahaantaana waxa ay wefdigu tagaeen Beerta Maandeeq oo ah goob dhalinyaradu isugu timaado iyaga oo halkaasi kula kulmay kumanaan dhalinyarada magaalada Boosaso ka mid ah, kuwaasi oo halkaasi kula qaadanayey maalinta Jimcaha ee fasaxa lagu jiro.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online