Madaxwaynaha Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe.[Masawiro]

January 5, 2018 - Written by Editor

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu tahay 05 January 2018 soo kormeeray  Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay. Kormeerka ayaa waxaa  Madaxwaynaha ku wehelinayay Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee dawladda Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maamulka gobolka nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin isugu jiray wasiiro, xildhibaano, saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda puntland, iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxwaynuhu dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub,  madaxwaynaha, ayaa xog waraystay shaqaalaha ka shaqeeya dhismahaasi, sidoo kale Madaxwaynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawda ee puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu Madaxwaynuhu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay, madaxwaynaha dawlada puntland ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xadhiga laga jari doono 08 january 2018.

Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada aduunka.

Ugu danbayn Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daar may hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ilaa inta  lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MAXATOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online