Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray Qaybo Ka mid Ah Xarumaha Dawladda ee Gaalkacayo

January 2, 2018 - Written by Editor

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 January 2018 waxa uu kormeeray qaar kamid ah xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacayo. Madaxwaynaha ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayay  maamulka  Gobolka Mudug, kan  degmada Gaalkacayo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Goobaha uu booqday Madaxwaynu ayaa waxaa kamid ahaa, kaantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacayo, dhismaha dugsiga nabadda [peace school] dhismaha maxjarka magaalada, kaamka qaxootiga ee Samawade, xarumaha ciidamada Daraawiishta iyo Booliska  ee magaalaga Gaalkacayo.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay kaantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacayo,  waxaana uu halkaasi Madaxwaynuhu kula kulmay saraakiisha kaantaroolka, isagoona ka xog waraystay saraakiishaasi sida ay u socoto shaqada kaantaroolku.

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa waxaa uu booqday  Maxjarka wayn ee magaalada Gaalkacayo kaas oo dhismihiisa ay hirgelisay dawladda Puntland, Isla markaana waxa uu Madaxwaynuhu soo kormeeray guud ahaan  dhismaha maxjarka oo heer geba geba ah maraya.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland oo sii wata kormeerkiisa shaqo  ayaa waxaa uu kormeeray kaamka Samawade oo ah kaam ay ku nool-yihiin dad barakacayaal ah,  kuwaasi oo ay wax yeelaysay abaartii ku dhufatay deegaanadii ay ku noolaayeen, dadka barakacayaasha ah ee kaamkaasi ku nool ayaa Madaxwaynaha uga xog waramay xaaladdooda nololeed iyo tan caafimaadba.

Ugu danbayn, Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiinta kale ee kormeerka ku helinaysey  ayaa waxa ay booqdeen  goobo ay kamid ahaayeen Xarumaha ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, waxaana uu kula dardaarmay Madaxweynu shacabka gobolka Mudug inay ilaashadaan nabad-gelyadooda, xasiloonidooda, horumarkooda iyo wada-jirkoodaba madaama ay yihiin dad ehel ah oo walaalo ah.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online