Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dib ugu soo Laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.[Masawiro]

January 18, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Dhuuso-Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa caawa oo ay taarikhdu tahay 18 Januaray 2018 waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe.

Madaxwaynaha dawladda Puntland oo ay safarkiisa ku welinayeen wasiirka arimaha gudaha ee dawladda Puntland saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.oo malintii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuuso-Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa safarkiisii shao oo uu ku maqnaa soo gebagebeeyay, kadib markii uu soo dhammaaday shirkii uu kaga qaybgalay magaalada dhuusamareeb uu soo gebageboobay maanta.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa waxa ay magaalada Dhuuso-mareeb kaga qayb galeen dhameystirka hishiiska mamulada Galmudug iyo Ahlusunna-Waljameeca.

Dhinaca kale hishiiska labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusuna-waljameeca ayaa waxa uu ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana magaala madaxda Galmudug oo ahyd magaalada Cadaado laga dhigay magaalada Dhuuso-Mareeb.

Ugu danbeyn madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeeysay xili habeenimo ah ka soo dagay garoonka caalamiga ah ee genaraal Maxamed Abshir Muuse oo xadhiga laga jaray 08 january 2018.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online