Madaxweynaha Dawladda Puntland oo magacaabay Guddiga xalinta Cabashooyinka Dawladda.

January 31, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay guddiga xalinta cabashooyinka Dawladda Puntland, kadib markii ay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. 06  January 29, 2018, kuna saabsan Magcaabida Guddiga Xalinta Cabashooyinka Dawladda Puntland.

 Madaxweynaha dawladda Puntland.

Markuu Arkay:   Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:   Baahida loo qabo magcaabida gudida xalinta cabashooyinka Dawladda.

Markuu arkay:   Markuu arkay baahida loo qabo xafiiska ilaalinta cabashooyinka muwaadiniinta Puntland guud ahaan gaar ahaan shaqooyinka imtixaanka loo galo.

Markuu Tixgeliyay: In lahelo caddaalada guud oo loo siman yahay.

Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Wuxuu Xeeriyay:

Waxaa loo magcaabay gudiga xalinta cabashooyinka dawladda Puntland oo ka kooban shan xubnood.

1 .Cabdiraxmaan Cali Guureeye : Agaasimaha guud ee maamulwanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa – Gudoomiye.

2 .Jaamac Maxamed Cismaan: Guddoomiyaha Hanti Dhawrka – Guddoomiye ku xigeenka

3 .Cabdirisaaq Nuux Maxamed  :Agaasimaha Guud Ee Haweenka – Xubin.

4 .Maxamed Muuse Ismaaciil : Garyaqaanka Guud Ee Dawladda – Xubin.

5 .Ciise Maxamuud Cumar :Aagaasimaha shaqada Iyo Shaqaalaha Madaxtooyada – Xubin.

Xeerakani Wuxuu Dhaqan Gelayaa Markuu Madaxwaynuhu Saxiixo Wuuna Saxiixay Madaxwaynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online