Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tegay Garoowe
January 7, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland. Wafdiga Madaxweynaha Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo maalinta beri ah la furi doono ka dib markii ay dhamaystiran tay dhamaan dhismihii ka socday Garoonka in mudo ah.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo weilba Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas ayaa xariga ka jari doona Garoonka Garoowe oo ah garoonkii 2aad oo caalami ah oo laga dhisayo deegaanada Puntland.
Wafdiga Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii ay joogaan Garoowe waxaa ay ka qayb gali doonaa Sanadguuradii 4-aad ee ka soo wareegatay markii Madaxweynaha dowalada Puntlad oo loo doortay xilka madaxweynanimada Puntland oo ku beegan 8 Janaayo.
Magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Puntland ayaa waxaa ka socda qaban qaabo weyn oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Madaxweynaha dowaladda Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Dhinac kale Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in safar ku tego magaalada qardho e xarunta Gobolka Karkaar waxaan uu booqan doonaa Boqor Burhaan Boqor Muuse ka dibna waxaa u safarkiisa ugu gudbi doonaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Safarka Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyey ee ku yimaado Puntland ilaa iyo intii loo doortay xilka Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya
M_M_Deeq
Halgan.net