Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo tegaya Puntland

January 6, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay safar shaqo ku yimaadaan magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland. Wafdiga Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka soo degi doona Garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo maalinta beri ah la furi doono ka dib markii ay dhamaystiran tay dhamaan dhismihii ka socday Garoonka in mudo ah.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo weilba Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas ayaa xariga ka jari doona Garoonka Garoowe oo ah garoonkii 2aad oo caalami ah oo laga dhisayo deegaanada Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii ay joogaan Garoowe waxaa ay ka qayb gali doonaa Sanadguuradii 4-aad ee ka soo wareegatay markii Madaxweynaha dowalada Puntlad Dr. Gaas loo doortay xilka madaxweynanimada Puntland oo ku beegan 8 Janaayo.

Magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Puntland ayaa waxaa ka socda qaban qaabo weyn oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Madaxweynaha dowaladda Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dhinac kale Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu safar ku tegi doonaa magaalada qardho e xarunta Gobolka Karkaar waxaan uu doo booqan doonaaBoqor Burhaan Boqor Muuse ka dibna waxaa u safarkiisa ugu gudbi doonaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Safarka Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyey ee ku yimaado Puntland ilaa iyo intii loo doortay xilka Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.ne

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online