Madaxweynaha JFS iyo Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jarey Garoonka Cusub ee Garoowe (Masawiro)

January 8, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axamed Cali Xaashi ayaa maanta 08-Jan-2018 Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradah ee Garoowe kaga qayb galay munaasibad ballaaran oo lagu maamuusayey furitaanka Garoonka Diyaaradaha oo maanta xadhigga laga jaray.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Xubnaha labada gole ee Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland,  saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo wufuud ka kala Socday wadamada Jabuuti iyo Ethiopia .

Dhammaan kasoo qayb galayaashii munaasabadda ayaa dawladda Puntland ku ammaanay mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland, kuwaas oo  uu kamid yahay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe oo maanta xadhiga laga jaray.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey dhammaan kasoo qayb galayaasha munaasabadda gaar ahaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo weftigii balaadhan ee uu hogaaminayo,  iyo sidoo kale wufuuda kasocotay wadamada deriska ah iyo weliba shirkaddi dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, kaas oo loogu magac daray Gen. Maxamed Abshir Muuse.

“Aad abaan idin salaamayaa dhammaantiin oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, waxaana idinku soo dhawaynayaa xafladaan quruxda badan oo lagu daah furayo Garoonka cusub ee Janaraal Maxamed Abshir Abshir.

waxaan si gaar ah usoo dhawaynayaa marti sharafta inooka timi meelo dhaadheer oo wefdiga Madaxwaynuhu ka mid yihiin dhammaantood, sida walaalaheena ka yimi Jabuuti iyo Ethiopia, si gaar ah ayaan usoo dhawaynayaa maadaama ay inooka yimaadeen meelo fog fog si ay uga qayb galaan daah furka Garoonka.

“waxaan isugu nimi munaasabada daah furka Garoonka cusub oo calami ah oo ay muddo sugaysay Soomaaliya iyo gaar ahaan dadwaynaha reer Puntland , waana garoonkii labaad ee aan daah furno oo caalami ah oo laga hirgeliyo Puntland.

“sida lasheegay Groonkaan cid badan ayaa ka qayb qaadatay , dawladda kuwayd ayaa ka qayb qaadatay oo bixisay shan milyan, inta kale ee ku baxaday oo intaana ka tira badan waxaa lagu keenay isku tashiga dawladda iyo dad waynaha Puntland ayay ku yimaadeen .

October 2014 anigoo jooga London ayaa waxaan idin iri hal sano hal garoon laba sano laba garoon sadex sano sadex garoon, markaan hadalkaa laha runtii majirin wax dhaqaale ah oo aan meel ku ogaa laakiin waxaan kalsooni ku qabay awooda shacbigeenu hadii ay iyagu tashadaan awooda ay leeyihiin , ayaan ku aamin qabay , in hadii lala yimaadi niyad wanaagsan iyo dadaal in wax walba aan hir-gelin karno .

Mudane Madaxwayne Puntland waxay ku balantay isku tashi isku tashigaas waxaan ku bilownay buundadii Midigar waad wada xasuusataan dhammaantiin bilawgii 2014 ayaa unimi iyadoo go’an, iyadoo dadku  aan uqabin in ay buundo weyn dhisan karaan, laakiin waxaan ku dhamays tirnay lacag dhan hal milyan oo doolar oo laba bilood gudohood aan ku dhamys tirnay, taasina waxay natustay in aannaan wax badan ka sugin ajnabi iyo dibad laakiin anagu aan qabsano wixii aan qabsan karno.

Waxaan rabnaa marka Madaxwayne waxa ugu danbeeyay oo ku hirgalay isku tashigaasi waxaa weeye Airport ka Garoowe ee maanta adigu aad daah-furaty, waxaan aaminsanahay wax badan oo kasii tiro badan amaba ha noqdaan dekedo ama hanoqdaan jidad ama ha noqdaan kaaba yaasha kale ee dhaqaalahaba waanu qabsanaynaa waana ay noo socdaan .

Madaxwayne Airport ka wixii ay Puntland qaban kartay waa qabatay waadna aragteen waxa dhiman dhamaystirkiisa, anaga intaas ayay nagaga egtahay wixii ka danbeeya dhamaystirkeeda idinka ayaa laydinka sugayaa , waxaa larabaa sidoo kale dawladda federaalka ee Soomaaliya wixii laqaybinaayo lagu qaybiyo baahida ee aan l oran 4.5 halagu qaybsado , hada kahor anagu waa diidnay nidaamkaas markii layiraaho baahida adeega  iyo tababarka iyo qalabka halagu saleeyo nidaamkaas, sidaas daraadeed yaan la oran wax walba halagu qaybiyo nidaamkaas 4.5 .

“sidaa aad aragtaan Airpor ka waxaa loogu magac daray Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo dhammaanteen aan wada garanayno taariikhdiisa dabcan qof kasta oo Soomaali ah waxna ka taga waa mudan yahay in laxuso oo aan la ilaawin waad mahadsantihiin dhammaantiin .”ayuu yiri madaxwaynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale waxaa isna munaasabada ka hadlay Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo.

“waxaan umahad celinayaa dawladda Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxwaune Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xukuumadiisa iyo guud ahaan shacabka reer Puntland,  waxaan idiinka mahadcelinyaa sidii sharafta lahayd ee aad noo soo dhawayseen iyo ehelnimada wanaagsan ee diiran ee aad muujiseen, waxay run ahaantii isoo xasuusisay 08 February  markii meel walba laga taageeray dawladda cusub taasi waxay ii miijisay in shacabka soomaaliyeen ay uhamuun qabaan diyaarna u yihiin dawladnimo soomaaliyeed shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay isaga mid yihiin dawlad jacaylka.

“Waxaa naga go’an in aan dib usoo celino sharaftii iyo karaamadii umada soomaaliyeed waxaan ku faraxsanahay horumarka ay gaaraty dawladda Puntland oo uu ka mid yahay Garoonkan aan maanta daah furkiisa joogno , guul ayaan urajaynayaa guud ahaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ugu danbayn Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF ee soomaaliya ayaa si wada jir ah xadhiga uga jarayan gaoonka diyaarahada ee caasimadda Garoowe .

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online